
Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa qandaraaskiisa haatan uu dhacayaa xagaaga 2016, lakiin Los Blancos ayaa dooneysa inay qandaraaska u sii dheereyso islmarkaana mushaharkiisa kor u qaado, waxa uu haatan xilli ciyaareedkii qaataa 3.5 milyan euro, waxaana looga dhigayaa 4.5 milyan euro.
Higuain ayaa markaasi qaadan doona inta uu qaato weeraryahanka kale ee kooxda Karim Benzema, oo ah ninka ay ku tartamaan booska No 9 ee kooxda heysata horyaalka La Liga.
Inkastoo labada dhinac ay isku raaceen heshiiskiisan cusub, hadana laguma dhawaaqi doono ilaa iyo Madrid marka ay fasaxa ku tagto Los Angeles, halkaasoo madaxweynaha kooxda Florentino Perez uu doonayo inuu kula kulmo Higuain ka hor inta uusan qalinka ku duugin heshiiska.
24 jirkaan ayaa Real Madrid kaga soo biiray River Plate bishii Janaayo 2009, waxaana uu ilaa iyo markaasi u dhaliyay 91 gool oo La Liga ah 162 kulan oo uu u saftay