
Madrid ayaa fursadii ugu horeysey soo martay shan iyo toban daqiiqo markii ay ciyaarta socotay markaa Ronaldo uu dhinaca bidix kula cararay kubbada kadibna uu u dhigey Callejon taasoo banaanka ay ka martay Callejon.
Kooxda Mourinho ayaa ugu dambayntii goolka hogaanka ku qabatay kadib markii Xabi Alonso uu u dhigey Gonzalo Higuain kubbad waxaana kadib soo tufay goolhaye Zaluska balse kubbadii ayaa waxa meel cidlo ah ka helay Callejon oo daba mariyey goolhayaha.
Hase yeeshee qeybtii dambe markii ay ciyaarta socotay ayaa goolka labaad ee Real heshay waxaa u dhaliyey Benzema oo kubbad wanaagsan ka helay Ozil iyadoo uu Benzema la dhaafay mid ka mid ah daafaca Celtic kadibna dabar marsiiyey goolhaye Zaluska.
Balse, ciyaartan ayaa waxaa dhaawac uu ka soo gaaray ciyaaryahanka baalka ugaga dheela Celtic ee Dylan McGeough kadib markii bareelo loogaga saaray garoonka.
McGeouch ayaa waxaa madaxa ka soo gaaray jug sababatay in garoonka laga qaado waxaana u soo gurmaday dhakhaatiirta labada koox iyadoo markii dambana ciyaaryahanka 19jirka ah laga saaray garoonka