
Casillas ayaa sagaal kulan oo isku xigta shabaqa uu ilaalada ka ahaa aan wax gool ah laga dhalin kulamada xulka Spain.
Hore ayaa waxaa rikoorkan loo dhigey sanadkii 2008dii markaa oo uu ahaa 708 daqiiqo, balse 31jirkan ayaa kulankiisii 141aad waxa uu dhigey rikoor cusub.
Casillas ayaan laga dhalin wax gool ah isagoo xiran maaliyada qaranka Spain tan iyo tartankii Euro 2012 markaa oo uu Antonio Di Natale ka dhaliyey gool. Waxana uu tan iyo markaa ay gaartay daqiiqadaha aan laga dhalin illaa iyo 728 oo ah sagaal kulan.
Goolhayaha reer Spain ayaa sidoo kale waxa uu tartan ugu jiraa sanadkan sidii uu ugu guuleysan lahaa abaalmarinta sanadka ee Ballon d’Or kadib markii uu sanad wanaagsan la soo qaatay kooxdiisa iyo xulkiisaba.
Casillas ayaa waxa uu u muuqdaa inuu tartan kula jiro Lionel Messi,Andres Iniesta iyo Cristiano Ronaldo.