
Neuer ayaa la sheegay in uu dhaawac ka soo gaaray kulankii shalay ay kooxdiisa Bayer Munich ay ku qaadeen koobka Supercupka dalka Jarmalka.
Goolhayaha labaad ee xulka Jarmalka Ron-Robert Zieler ayaa suurtogal ah in uu buuxiyo booska uu baneeyey Neuer.
Tababaraha xulka Jarmalka ayaa sidoo kale u yeeray goolhayaha da’ada yar ee labaatan jirka ah ee u ilaaliya biraha kooxda Borussia Moenchengladbach Marc-Andre ter Stegen.
Hase yeesheeTer Stegen ayaa aad uga xumaaday kulan xulka dalka Jarmalka loogaga badiyey 5-3 ciyaar saaxibtinimo oo xulka Jarmalka la yeeshay xulka Switzerland bishii May.
Kulankan saaxibtinimo ee qaramada Arjentin iyo Jarmalka ah ayaa mid loogu diyaargaroobayo isreebreebka koobka adduunka ee 2014ta oo dhowaan bilaaban doona.