
Xulka Holland ayaa 20kii daqiiqo ee ugu horeysay ciyaarta iska heystay kubada, waxaana ay abuureen fursado badan lakiin waa ay haleeli waayeen inay soo taabtaan shabaqa.
Taas bedelkeeda fursadii ugu horeysay ee xulka Denmark ay heshay ayaa waxa ay islamarkiiba u rogeen gool, ka dib markii weeraryahankooda Krohn- Dehli uu shabaqa kubad la helay daqiiqadii 24aad ee ciyaarta.
Waxaana Netherlands ay isku dayaysay inay hesho goolkii barbaraha madaama gool aysan filaneynin looga naxsaday, iyadoo Arjen Robben uu kubad birta ku dhuftay halka weeraryahankooda Robin van Persie uu qasaariyay kubad gool loo fishay.
Qeybtii hore ayaa waxaa lagu kala nastay gool iyo waxba oo ay hogaanka ku hayeen xulka Denmark.
Qeybtii labaad ee ciyaarta Holland waxa ay halkeeda ka sii bilowday fursadihii ay abuurayeen, lakiin waxaa ka maqnaa dhameystir ay shabaqa ku soo taabtaan, iyadoo Robin van Persie uu ku qubeystay fursado dhowr ah.
Waxaana Denmark ayaa soo bandhigtay inaysan wax cabsi ah ka qabin Netherlands,iyagoo qeybo badan oo ciyaarta ah kubada la qeybsanayay xulka Holland.
Daqiiqadii 74aad ee ciyaarta ayaa Wesley Sneijder uu kubad qatar ah u dhex bixiyay Huntelaar oo bedel ku soo galay, kaasoo helay fursad isaga iyo goolhayaha ah lakiin isna waa ku guuldareystay inuu fursadaas qaaliga ah u rogo gool.
Inkastoo Netherlands ayaa baadigoob xun ugu jireen inay helaan goolka barbaraha hadana Denmark ayaa ku dadaashay inay ilaashato goolkeeda, waxaana ay seddexda dhibic ka heleen xul ka mid ah xulalka loo sadaalinayay koobkaan.
Group B ayaa ku bilowday si cajiib ah, taasoo sii adkeyn doonta kulamada Group-kaan.
Denmark ayaa haatan hogaanka u heysa Group-ka dhimashada ee Group B, iyadoo Germany iyo Portugal ay wada ciyaari doonaan wax yar ka dib.