
Xulka Italy ayaa ku soo gashay ciyaartaan sidii la filayay qaab ciyaareedka 3-5-2 iyadoo Daniele De Rossi uu ku jiray seddexda daafac ee uu soo xushay tababare Cesare Brandeli.
Lakiin qaab ciyaareedka uu tababare Vincente del Bosque ku soo galay ayaa ahaa mid lama filaan ah, isagoo ku soo shirtagay 4-3-3, islamarkaana uusan jirin weeraryahan rasmi ah oo afka hore u taagan iyadoo 6 ciyaaryahan oo khadka dhexe ah ay ku soo galeen.
Qeybtii hore ayaa sidii la filayay waxaa kubada inteeda badan baas ku heysatay xulka Spain lakiin Azzurri ayaa fursadihii ugu fiicnaa heshay, iyadoo goolhaye Casillas uu fursado qatar ah uu badbaadiyay oo ay ku jirto fursadii madaxa aheyd ee uu heley Thiago Motta dhamaadkii qeybta hore ee ciyaarta.
Spain ayaa qeybtii labaad ku bilaabatay si carcar leh, lakiin weeraryahan la’aantooda ayaa keentay inay natiijo ku heli waayaan weerarkooda.
Azzurri oo si fiican garoonka uga dhexmuuqatay ayaa waxaa fursad qaali ah ka qasaariyay Balotelli kaasoo kubad ka dhacay Ramos balse ku daahay inuu ka faa’ideysto, waxaana ay taasi keentay in Balotelli lagu bedelo Di Natale daqiiqadii 56aad ee ciyaarta. Afar daqiiqo markii uu garoonka ku jiray Di Natale waxa uu Italy u dhiibay hogaanka ka dib markii Maestro Pirlo uu kubad qatar ah u dhex bixiyay, iyadoo Di Natale uu ka hoos baxay Gerard Pique iyo Ramos islamarkaana kubad qurux badan uu dabamariyay Casillas.
Lakiin Spain ayaa goolkaasi ka jawaabtay afar daqiiqo ka dib markii Silva uu baas aan caadi aheyn u dhigay Fabregas kaasoo isna aan ku sii daahin balse ka faa’ideystay daafaca Italy oo hurday islamarkaana kuabd dabamariyay goolhaye Gigi Buffon.
Spian ayaa ugu danbeyn weeraryahan rasmi ah ciyaarta soo gelisay daqiiqadii 73aad ee ciyaarta markii Fernando Torres uu bedelay Fabregas, lakiin taabashadii ugu horeysay ee Torres ayaa waxa ay noqotay inuu kubad ku helo isaga iyo goolhaye Buffon kaliya, lakiin Buffon ayaa kubada ka qaatay oo banaanka uga saaray.
Inkastoo Spain ay heysatay kubada inteeda badan qeybihii ugu danbeeyay ee ciyaarta hadana waa ay haleeli waayeen goolka guusha.
Labada xul ee ugu cadcad inay ka soo baxaan Group C ayaana barbaro 1-1 ah ku kala baxay, ciyaar aheyd mid aad u xiiso badan.
R.Ireland iyo Croatia oo group-ka kula wehliya ayaana wax yar ka dib is arki doona