
Kulankaan ayaa ku bilowday jawi degan, inkastoo ciyaarta ay kululaatay bartamihii qeybtii hore islamarkaana Real Madrid uu dhaawac ka noqday Sami Khedira oo bilowgii ciyaarta la bedelay, waxaana hogaanka ciyaarta qabatay kooxda martida loo ahaa Borussia Dortmund daqiiqadii 36aad, iyadoo Lewandowski uu shabaqa si wacan ugu hubsaday, ka dib markii Pepe uu si xun u ciyaaray.
Laakiin labo daqiiqo ka dib Cristiano Ronaldo ayaa u barbareeyay Real Madrid, ka dib markii kubad uu Ozil u soo qaaday uu si sahlan isna uga dulqaaday goolhayaha Dortmund Weidenfeller, waana goolkii 43aad ee Cristiano Ronaldo uu ka dhaliyo koobkaan Champions League.
Real Madrid ayaa goolkaas uu ahaa mid rikoor cusub ah ka dib markii ay shabaqa soo taabteen 14 kulan oo isku xigta oo Champions League ah oo marti ahaayeen, iyagoo barbareeyay rikoorka Bayern Munich iyo Barcelona.
Waxaan qeybtii hore lagu kala nastay barbarahaas 1-1 oo ay isdhaafsadeen labada kooxood.
Borussia Dortmund ayaana qeybtii labaad cadaadis saartay kooxda martida u aheyd ee Real Madrid, waxaana dadaalkooda ay ka mira dhaliyeen daqiiqadii 63aad markii Marcel Schmelzer uu kubad shabaqa ku hubsaday markii Casillas uu qalad sameeyay.
Goolkaas uu dhaliyay Schmelzer ayaana ugu filnaa inay Borussia Dortmund ku badiso 2-1, waxaana ay taasi keentay inay hogaanka Group D ku qabtaan 7 dhibcood, halka Real Madrid ay leedahay 6 dhibcood.
Dhanka kale kooxda Manchester City ayaa lagu soo jiiday Amsderdam ka dib markii guuldarro 3-1 ah ay ka soo gaartay kooxda Ajax oo ay marti u ahaayeen kulanka seddexaad ee wareega group-yada.
Kooxda heysata horyaalka Premier League Manchester City ayaana hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 22aad, markii Micah Richard uu quudiyay Milner, kaasoo isna kubad u sii dhigay Samir Nasri, ciyaaryahanka Faransiiska ayaana si haboon u dhameystiray oo shabaqa ku hubsaday.
Samir Nasri oo goolkaas uu u ahaa goolkii ugu horeeyay Champions League ee uu u dhaliyo kooxda Manchester City, laakiin waa goolkiisii 6aad ee uu ka dhaliyo koobka Champions League.
Laakiin hogaanka Manchester City ayaan waarin ka dib markii Ajax ay heshay goolkii barbaraha daqiiqadii ugu danbeysay ee qeybtii hore ee ciyaarta, De Jong ayaana u barbareeyay ka dib karoos ka yimid Van Rhijn.
Qeybtii labaad ayaa xaalka uu ku sii xumaaday Man City ka dib markii Ajax ay qabatay hogaanka ciyaarta markii ugu horeysay ka dib gool uu u dhaliyay Moisander daqiiqadii 57aad.
City ayaa rajadeedii ciyaarta ay noqotay mid ciil biyo leh ku dhacday markii Ajax ay heshay goolkii 3aad ee ciyaarta daqiiqadii 68aad iyadoo goolkaas uu u saxiixay ciyaaryahanka da’da yar ee reer Denmark Eriksen.
Ajax ayaana ku badisay 3-1, iyagoona gaaray guushii ugu horeysay ee Champions League xilli ciyaareedkan, waxaana ay leeyihiin 3 dhibcood, halka City ay u dhacday halka ugu hooseysa group-ka iyagoo leh hal dhibic kaliya ka dib seddex kulan oo la ciyaaray.