
Xiddiga reer Argentina ayaa dhaliyay xilli ciyaareedkan 73 gool tartamada oo dhan, ka dib markii uu shabaqa soo taabtay kulankii ay 3-0 kaga qaadeen Copa del Rey kooxda Athletic Bilbao.
Tababaraha 41 jirka ah ayaa ku hogaamiyay kooxda Catalans 14 koob afar xilli ciyaareed oo uu la joogay, waxaana uu amaan kala duldhacay Messi.
“Sharaf ayay ii aheyd inaan tababare u noqdo ciyaaryahanka adduunka ugu fiicnaa ee aan abid arko, islamarkaana aan arki doono” ayuu Guardiola u sheegay suxufiyiinta ciyaarta ka dib.
“Messi waxa uu i baray sidii aan u noqon lahaa wax ka badan tartamaa. Koobab waan ku guuleysan laheyn isaga la’aantiis, lakiin ma aysan ahaan laheyn 19koob oo aan u tartanay inaan ku guuleysano 14 ka mid ah”.
Guardiola ayaa sidoo kale diiday inuu isaga dhisay kooxda lagu tilmaamo kooxdii ugu fiicneyd ee soo marta kubada cagta, markii la weydiiyay waxa uu ku jawaabay:
“Waxba ma aanan dhisin” ayuu yiri. “Waxaan kaliya qeyb ka ahaa howl soo bilaabatay aniga ka hor, islamarkaana sii socon doonta aniga ka dib.”
“Miyaan nahay kooxda adduunka ugu fiicneyd abid? Waxa ay noqoneysaa ka badbadis in sidaasi la inoogula yeero. Waa ereyo waa weyn in sidaasi la yiraahdo”.