
Ninka reer Holland ayaa aaminsan in La Roja ay mar walba u ciyaaraan si fiican marka uu maestro Xavi uu u ciyaarayo si wanaagsan, isagoo sheegay in Spain ay tahay xulka lagula tartami doono Euro 2012.
“Hadii Xavi uu si fiican u ciyaaro, Spain iyadana si fiican ayay u ciyaarayaan. Xavi ayaa leh taabashada mucjisada ah ee xulka” ayuu Gullit u sheegay jariirada Marca.
“Iyaga ayaa ugu cadcad inay ku guuleystaan Euro 2012. Xulka waxa uu ciyaaraa kubad aad u heer sareysa, waxaana xulkooda ku jira ciyaartoy badan oo tayo iyo farsamo leh”.
Weeraryahankii hore ee Milan ayaa sido kale ka hadlay in xulalka ka soo horjeeda Spain inay raadin doonaan hab ay ku garaacaan xulka Vincente del Bosque.
“Spain ayaa ah xulka lagula tartami doono koobkaan. Sidaasi darteed cid walba waxa ay si aad ah isagu dayi doontaa inay ka celiyaan koobka, iyagoo raadinaya hab ay uga celiyaan inay u ciyaaraan si wanaagsan”.