
Kulankaan saaxiibtinimo ayaa waxa lagula dabaaldegayaa sannadguuradii 125aad ee markii la aasaasay kooxda Hamburg, iyadoo Barcelona lagu martiqaaday inay ka qeybqaadato.
Warka ay soo tabisay jariirada Bild ayaa sheegaya in gabi ahaanba la sii iibiyay tikidhada ciyaartaas ee Hamburg iyo Barcelona, iyadoo Hamburg ay isku diyaarineyso u dabaaldegida taariikhda kooxdeeda.
Si kastaba, waxaa la rumeysan yahay in heshiis qoraal ah oo sharuud ku xiran ay dhexmartay labada kooxood, taasoo ah in Messi ay qasab tahay inuu ciyaaro kulankaas.
Lakiin sharuudaasi kuma xirna ciyaartoyda Andres Iniesta iyo Xavi kuwasoo goor dhow ku soo laabanaya tababarka ka dib fasax ay ku maqnaayeen madaama ay ka qeyb qaateen Euro 2012.