
Laacib.net oo soo xiganeysa Eurosport ayaa idiin soo gudbineysa isbarbardhig uu Tv-ga ka sameeyay labada ciyaaryahan.
Shinji Kagawa ayaa shalayto ay Manchester United xaqiijisay inay heshiis la gaareen kooxda Borussia Dortmund, iyadoo dhameystirka heshiiskaas uu ku xiran yahay kaliya inuu maro tijaabada caafimaadka iyo inuu helo ogolaanshaha shaqo ee UK.
Eden Hazard oo waqti dheer lala xiriirinayay inuu Premier League ka ciyaari doono ayaa ugu danbeyn isna isbuucaan si rasmi ah ugu biiray kooxda Chelsea, kuwasoo ciyaaryahanka ka dulqaaday Manchester City iyo Manchester United oo iyagana ceyrsanayay.
Hadaba yaa isbuucaan helay heshiiska ugu fiican ma Chelsea mise Manchester United?
Labada ciyaaryahan waa ciyaaryahano da’ yar, Shinji Kagawa waa 23 jir u dhashay dalka Japan, halka Eden Hazard uu yahay 21 jir u dhashay dalka Belgium.
Inkastoo aan si cad loo ogeyn qiimaha lagu kala iibsaday oo aysan kooxuhu shaacinin hadana sida la qiyaasayo Kagawa waxaa Borussia Dortmund looga soo iibsaday 14 milyan ginni, halka Hazard uu 32 milyan ginni ugu fadhiyo Chelsea.
Xilli ciyaareedkan Kagawa waxa uu kooxdiisa Dortmund u saftay 31 kulan oo horyaalka ah, halka Hazard uu Lille u saftay 38 kulan oo horyaalka.
Kagawa waxa uu xilli ciyaareedkii dhamaaday ka dhaliyay Bundesliga 13 gool, halka Hazard uu 20 gool ka dhaliyay Ligue 1 xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Kagawa waxa uu caawiye ka ahaa 8 gool xilli ciyaareedkii dhamaaday halka Hazard uu caawiye ka ahaa 16 gool.
Maxay Ku Fiican Yihiin Labada Ciyaaryahan:
Shinji Kagawa:
Shinji Kagawa waxa uu yimid Dortmund labo sanno ka hor isagoo aan wax magac ah laheyn. Labadii bilood ee ugu horeysay ee uu Bundesliga joogay waxa uu baray magaciisa qof walba oo Jarmal ah.
Kagawa waxa uu xariif ku yahay kubada. Mats Hummels ayaa mar ugu yeeray qaabka uu Kagawa kubada u la cararo inay tahay wax waali ah. Waxa uu si aad ah ugu fiican yahay la dhaqaaqida kubada iyo boos qaadashada. Waxa uu goolal ka dhalin karaa fursado lama filaan ah, sababtoo ah waxa uu mar walba diyaar u yahay kubadaha daafaca iyo isaga kaliya ay isku harsan yihiin.
Baasaskiisa mar walba waa kuwa saxan, waana wax uu Rooney ka faa’idi karo. Hadii uusan kubada isaga heysan, waxa uu u shaqeeyaa si xad dhaaf ah. Waxa kaliya ee isaga lagu liidi karaa waa dhererkiisa.
Waxa uu fursad u heystaa inuu ka soo dhex muuqdo Premier League. Kubada degdega ah ee United ay ciyaarto waa mid isaga ku haboon, waxaana macquul ah inuuba ka dhex muuqdo xilli ciyaareeedkiisa ugu horeeya.
Eden Hazard:
Hazard waa ciyaaryahan leh tayo aad u sareysa, oo aan waqti xaadirkan laga heleynin horyaalka Ligue 1. Intii uu joogay Lille waxa uu mararka qaar ka ciyaarayay garabka bidix, lakiin inta badan waxa uu ka ciyaarayay booska kubadsameeyaha ee ka danbeeya weeraryahanka.
Hazard waa ciyaaryahan aad u dheereeya, farsamo kubadeedna leh. Waxa uu ku ciyaari karaa labada cagood. Waana ciyaaryahan aan inta badan dhaawacmin. Lille intii uu joogay waxa uu ciyaaray 100 kulan oo isku xigta oo horyaalka ah.
Ma uu qabo ceeb badan, lakiin hadii ay tahay in hal loo raadiyo, kubada madaxa ayaa ah wax uu u baahan yahay inuu horumar ka sameeyo.
Waxa uu leeyahay tayada uu xiddig kaga noqon karo England. Daafacyada Ingariiska ka ciyaartana wax badan ayay is arki doonaan. Tababaraha mustaqbalka ee Chelsea hadii uu yahay Roberto Di Matteo ama qof kaleba waxaa la filayaa in Hazard laga ciyaarsiin doono Torres gadaashiisa, madaama uu booskaaas ku helayo xoriyad badan oo uu ku dhaqdhaaqaaqo islamarkaana uu Chelsea ku tuso sababta ay lacag badan uga soo bixisay.