
dardartay kooxda Seattle Sounders, iyadoo kooxda heysataChampions League ay si
raaxo leh ku bilowday ciyaaraheeda saaxiibtinimo ee Mareykanka.
Hazard iyo ciyaaryahanka kale ee cusub Marko Marin ayaa labadoodaba shabaqa soo
taabtay, iyadoo sidoo kale Romelu Lukaku uu isna labo gool ka dhaliyay kooxda Mareykanka.
Seattle ayaa ciyaarta qeyb ka aheyd iyadoo uga mahadcelineysa labo gool oo uu u dhaliyay
Fredy Montero, lakiin wax goolal kale ah la iskama dhalin qeybtii labaad, iyadoo
Chelsea ay si raaxo leh guusha ku qaateen kulankoodii ugu horeeyay ee ay isagu
diyaarinayaan xilli ciyaareedka cusub.
Dhinaca kale Manchester United ayaa iyada ciyaaraheeda xilli ciyaareedka cuusb ka
horeeya ku bilaabatay guul ka dib markii ay 1-0 kaga talaabsadeen kooxda reer
South Africa Amazulu ciyaar ka dhacday Durban.
Inkastoo kulanka la iska helay fursado keeni kartay natiijo sida ciyaar Cricket ah hadana
Frederico Macheda ayaa goolka kaliya ee ciyaarta dhaliyay daqiiqadii 19aad,
ciyaartaasoo ku beegneyd dhalashadii 94aad ee halyeeyga reer South Africa Nelson
Mandela.