
Xulka Oranje ayaa waxa ay Group-ka dhimashada loo yaqaano kuwada jiraan Denmark, Portugal iyo Germany, lakiin xulka martida loo ahaa ayaa si la yaqaano u garaacay xulka Northern Ireland oo dhaawacyo looga maqnaa.
Robin van Persie ayaa labo gool dhaliyay, iyadoo Wesley Sniejder uu gool ku yimid laad xor dhexgashtay isla qeybtii hore ee ciyaarta, waxaana goolka afaraad shabaqa ku soo taabtay Ibrahim Afellay ka hor inta aan la aadin xilliga nashada.
Afellay ayaa dhaliyay goolkiisii labaad ahaana goolkii shanaad ee Holland qeybtii labaad ee ciyaarta, ka hor inta uusan Ron Vlaar kubad madax ah ku dhalinin goolkii lixaad ciyaarta oo 10 daqiiqo ay harsan tahay.
Goolasha intaasi waa ay ka badnaan lahaayeen, lakiin nasiibka ayaa saaciday xulka Nothern Ireland iyadoo Rafael van der Vaart uu kubad birta ku dhuftay dhamaadkii ciyaarta.
Dhinaca kale daafac xumo darteed ayaa keentay in xulka Portugal ay guuldarro 3-1 ah ay ka soo gaarto xulka Tukey, kulankoodii ugu danbeeyay ee ay isagu diyaarinayeen Euro 2012.
Xulka Paulo Bento oo maalinta sabtida ee soo socota kulankooda ugu horeeya ee Euro 2012 la ciyaari doona Germany ayaa qaladaad dhanka daafaca ah oo ay sameeyeen ay keentay in Umut Bulut uu labo gool ka dhaliyo.
Iyadoo Portugal labo gool lagu leeyahay, Nani ayaa hal gool u soo celiyo, ka hor inta aan Cristiano Ronaldo rigoore laga badbaadinin.
Waxaana Portugal ayaa raadineysay goolkii barbaraha, lakiin isku dhexyaaca ka muuqday daafacooda ayaa sii socday ka dib markii uu gool iska dhaliyay Pepe.
Bento ayaa xushay sagaal ka mid ah 11ka ciyaaryahan ee la filayo inay Jarmalka kula ciyaari doonaan Lviv, lakiin waxa uu kulankiisii ugu horeeyay siiyay daafaca midig Miguel Lopes, halka Almeida uu ka ciyaarayay afka hore.