
Montpellier, oo si lama filaan ah ugu guuleysatay horyaalka Faransiiska xilli ciyaareedkii hore ayaa soo taabatay shabaqa markii ugu horeysay xilli ciyaareedkan markii weeraryahanka Senegal Souleymane Camara turned uu gool shabaqa ku hubsaday daqiiqadii 34aad ee ciyaarta.
Lakiin kooxda horyaalka difaacaneysa ayaa laga dhigay 10 ciyaaryahan shan daqiiqo ka dib markii Jamelle Saihi kaar casaan ah lagu siiyay foul aad u xun oo uu ku galay Francois Sirieix.
Toulouse, oo kaalinta 8aad ku dhameysatay horyaalka xilli ciyaareedkii hore ayaa ka faa’ideysatay tiro badnaanta ay ka badnaayeen Montpellier waxaana madax ugu barbareeyay Wissam Ben Yedder daqiiqadii 72aad ee ciyaarta.
Lakiin wax yar ka dib iyaga ayaa taabtay batoonkii ay isku burburin lahaayeen, ka dib markii labo ka mid ah ciyaartoydooda ay casaan qaateen 12 daqiiqo gudaheed.
Adrien Regattin ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee kooxda casaan laga siiyo ka dib markii uu taakal labo lugood ah la galay Daniel Congre, waxaana sii raacay Aurier oo daqiiqadii 84aad casaan isna loo taagay ka dib markii uu taakal halis ah ku sameeyay Henri Bedimo.
Paris St Germain, oo qarashgareeyay in ka badan 100 milyan euro ayaa ugu cadcad sannadkan hanashada horyaalka Ligue 1. Montpellier ayaa sheegtay inaysan la tartami karin kooxda ay ka danbeeyay wadaadada reer Qatar.