
Kooxaha ka dhisan Ingariiska ayaa si aad ah uga dhex muuqday suuqa kala iibsiga ciyaartoyda marka loo fiiriyo kooxaha horyaalada kale ee qaarada yurub, taasoo ka sii dhigeysa horyaalka mid ka sii xamaasad badan sidii uu hore u ahaa xilli ciyaareedka soo socda.
Taageerayaal badan ayaa indhaha ku haya sida ay wax noqon doonaan, iyadoo dadka intiisa badan ay afka ku hayaan in Manchester United iyo Manchester City ay mar kale ku hardami doonaan hanashada horyaalka halka Chelsea iyo Arsenal ay iyaga laftooda leeyihiin fursadooda.
City oo ku guuleysatay horyaalka Premier League markii ugu horeysay 44 sanno ka hor ayaa isku soo kululeysay xilli ciyaareedkan iyadoo 3-2 kaga qaaday Chelsea maalintii axada koobka Community Shield.
Ilaa iyo haatan waxa ay la soo wareegeen hal ciyaaryahan o magac leh, ciyaaryahanka khadka dhexe ee England Jack Rodwell oo 21 jir ah kaasoo isniintii kaga soo biiray kooxda Everton adduun lacageed oo gaaraya 12 milyan ginni.
Dhinaca kale Robin van Persie ayaa kula biiray ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Japan Shinji Kagawa Old Trafford adduun lacageed oo gaaraya 24 milyan ginni.
Kagawa oo 23 jir ah ayaa ka soo dhaqaaqay kooxda heysata horyaalka Jarmalka ee Borussia Dortmund iyadoo lagu soo iibsaday 17 milyan ginni, waxaana ay taasi sarre u qaadeysaa niyada United oo kulankooda ugu horeeya xilli ciyaareedka la leh kooxda Everton.
Arsenal oo xilli ciyaareedkii hore ku dhameysatay kaalinta 3aad ayaa iyadana ku mashquulsaneyd suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, iyagoo soo iibsaday xiddiga reer France ee weerarka ka ciyaaraya Olivier Giroud oo kaga soo biiray Montpellier, Cologne oo ay ka soo qaateen xiddiga Jarmalka Lukas Podolski iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain Santi Cazorla.
Wenger ayaa si maldahan u sheegay in laga yaabo in Podolski uu kulankiisa ugu horeeya ee kooxda ee tartan rasmi ah inuu ciyaaro kulanka sabtida ee Sunderland, inkastoo uusan taam buuxa aheyn, iyadoo Arsenal ay indhaha ku heyso inay soo gabagabeyso 7 sanno oo abaar ay ka heysay koobabka.
Chelsea oo labo koob ku guuleysatay xilli ciyaareedkii hore oo mid ka mid ah uu ahaa Champions League ayaa waxaa ka maqnaan doonaa ninkii muddo badan ka dhex muuqday Didier Drogba oo ku biiray kooxda reer China ee Shanghai Shenhua, lakiin waxa ay ku mashquulsanaayeen 64 milyan ginni oo ku bixiyeen xagaagan suuqa kala iibsiga, oo ay ka mid yihiin ciyaartoyda ay soo iibsadeen kubadsameeyaha reer Brazil Oscar, weeraryahanka reer Belgium Eden Hazard iyo ciyaaryahanka khadka dhexe ee Jarmalka Marko Marin.
Milkiilaha kooxda Bilyaneer Roman Abramovich ayaa kalsoonidiisa duldhigay Roberto Di Matteo ka dib markii ay ku guuleysteen Champions League, halka Andre Villas-Boas oo ahaa ninkii laga ceyriyay Chelsea xilli ciyaareedkii hore uu helay shaqo cusub isagoo Tottenham ka bedelay Harry Redknapp iyadoo Spurs ay xilli ciyaareedkii hore ku dhameysatay kaalinta 4aad.
Liverpool, oo weli ceyrsaneysa inay dib u hesho guulaheedii hore ayaa waxa ay 15 milyan ginni kula soo wareegtay Joe Allen, halka Fabio Borini ay ka soo iibsadeen Roma, waxaana sidoo kale ku soo biiray xiddiga reer Morocco Assaidi, iyagoo bilaabaya nolol cusub oo uu hogaaminayo Brendan Rodgers, waxaana ay sabtida ka horimaanayaan West Brom oo uu macalin u yahay tababare ku xigeenkoodii hore Steve Clarke.
Kulamada Isbuucaan Ee Horyaalka Ingariiska:
Sabtid:
Arsenal v Sunderland
Fulham v Norwich City
QPR v Swansea City
Reading v Stoke City
West Brom v Liverpool
West Ham v Aston Villa
Newcastle United v Tottenham
Axad
Wigan Athletic v Chelsea
Manchester City v Southampton
Isniin
Everton v Manchester United