
Alessandro Delpiero ayaa indhaha caalamka soo jiitay kulankii Juve 2-0 oo ay Fiorentina kaga hormartay islamarkaana ay ugu bedeleen 3-2 sannadii 1994tii, goolkii uu Del Piero dhaliyay ayaa weli loo texgeliyaa goolkiisii ugu weyn ee uu abid dhaliyo.
Xilligaasna waa xilligii ay Juve ogaatay inay awoodaan inay iska fasixi karaan Roberto Baggio. Alex ayaa haatan Serie A kaga tagaya isagoo madaxiisa kor u haaya, waxaana uu bari doonaa jiilka cusub ee Mareykanka sida kubada cagta ay u tahay ciyaar xamaasad iyo qiiro leh.
Nesta iyo Di Vaio ayaa sidoo kale iyagana ku sii jeeda horyaalka MLS, kaasoo noqday haatan meel ay ciyaaraha kaga fariistaan xiddigaha kubada cagta ka hor inta aysan qaban shaqo xafiiseed. Waxa ay ku biiri doonaan rag sida Bernando Corradi iyo Matteo Ferrari oo iyagana Waqooyiga Mareykanka ku sugan.
Halka Gattusso uu caga dhigan doono weli lama oga, lakiin waxaa loo badinayaa inuu ku laaban doono kooxdiisii hore ee Glasgow Rangers. Kaladze ayaa isna ciyaaraha ka farsiitay isagoo ku biiraya siyaasada dalkiisa Georgia.
Shalayto waxa ay u aheyd maalin qiiro leh taageerayaasha garoomada San Siro iyo Juventus Stadium, waxa ay ilmo iyo sacab ku macsalaameeyeen qaar ka mid ah xiddigahooda igu fiicnaa ee soo mara.
Qaar badan oo iyaga ka mid ah waxaa la filayaa inay Serie A ku laabtaan iyagoo tababare ah, waxaana ay soo saari karaan xiddigo badan oo iyaga la mid noqon kara.
Arrigo Sacchi iyo Baggio ayaa loo xilsaaray inay horumarin ku sameeyaan dhalinyarada kubada cagta Talyaaniga, lakiin waxaad qiyaastaa akadeemig ay casharo dhanka daafaca ah ka bixinayaan Nesta, Fabio Cannavaro iyo Paolo Maldini. Gattuso oo casharo ku bixinaya sida isbiirit loo yeesho islamarkaana guul loo doon doono xitaa hadii ciyaar aan micno laheyn oo saaxiibtinimo la ciyaarayo. Inzaghi waxa uu professor ku noqon karaa in la istaago meesha saxda iyo waqtiga saxda si kubad shabaqa loogu hubsado, halka Alessandro del Piero uu noqon karo maamulahooda madaama lagu tilmaamo nin ixtiraam badan islamarkaana sharfa dadka ka soo horjeeda.