
Kooxda Jose Mourinho uu hogaamiyo ee Real Madrid ayaa dhibco iyo goolalba ku soo gabagabeysay seddexdii sanno ee isku xigtay ee Barcelona ay qaadeysay La Liga xilli ciyaareedkii hore, taasoo sii xoojisay xafiiltanka ka dhaxeeya labadaan kooxood ee ugu tunka weyn Spain.
Barca ayaa wajigeeda hore ay wax iska bedaleen xilli ciyaareedkaan cusub iyagoo tijaabinaya Tito Vilanova oo gashanaya kabihii Pep Guardiola, lakiin afar sanno oo uu caawiye ahaa weli waxaa laga filan karaa inuu howsha halkeeda ka sii wado.
Kubada cagta Spain ayaa la ciirciireysa guulo, ka dib markii xulka qaranka ay qaadeen koobkoodii 3aad oo weyn oo isku xigta iyagoo ku guuleystay bishii July Euro 2012, waxaana u sii dheeraa koobkii adduunka ee 2010 iyo Euro 2008.
Real iyo Barca ayaa iska lahaa 11 ka mid ah 13kii ciyaaryahan ee garoonka soo galay kulankii ay Spain 4-0 koobka Euro 2012 kaga qaaday Italy, waxaaan horyaalkooda ka ciyaara labada xiddig ee adduunka ugu fiican Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo taasoo sii kululeyneysa kubada cagta laga ciyaaro dalkaas.
Iyadoo labada kooxood uu xafiiltan ka dhaxeeyo, hadana Messi iyo Ronaldo ayaa iyagana ku xafiiltama gooldhalinta horyaalka oo ay gaarsiiyaan meshii ugu sareysay abid, Lionel Messi ayaa xilli ciyaareedkii hore La Liga ka dhaliyay 50 gool, halka Ronaldo uu dhaliyay 40 gool.
Real Madrid ayaa ku dhow inay la soo wareegto ciyaaryahanka kubadsameeyaha Tottenham Luka Modric si ay ugu sii xoojiyaan qadkooda dhexe, iyadoo kooxdooda da’da yar ay weli tahay sideedii oo aysan waxba iska bedelin.
Barca, oo martigelineysa axada Real Sociedad ayaa ku soo dartay kooxdeeda daafaca bidix ee reer Spain Jordi Alba, waxaana ay raadinayaan ciyaaryahan kale ka hor dhamaadka bishaan.
Vilanova ayaa u baahnaan doona inuu dhaqaaleeyo ciyaartoyda da’dooda sii weynaaneyso ee Carles Puyol (34) iyo Xavi (32), halka uu rajeynayo in David Villa uusan dhuminin qaab ciyaareedkiisa ka dib markii uu ka soo kabsaday lug ka jabtay oo uu la maqnaa qeybo badan oo xilli ciyaareedkii hore ah.
Awooda labada kooxood ee Real iyo Barca oo ah kooxaha dhaqaalaha ugu badan kubada cagta uu soo galo sida laga soo xigtay Deloitte, ayaa farqi aad u sareeya u jira kooxaha kale ee ka ciyaara La Liga.
Sannadkii hore ciyaartoyda La Liga ka xamaasha ayaa shaqo joojin sameeyay taasoo dib u dhigtay bilowgii horyaalka iyagoo ka cabanayay inaan mushaharkooda la siinin, sannadkaan waxaa ay iyadana ku dhawaatay in dib loo dhigo ka dib markii kooxaha ay isku qabsadeen heshiiska xuquuqda TV-ga.
Heshiiska xuquuqda TV-ga waa meesha ugu weyn ee ay lacagta ugu badan ka helaan Real iyo Barca, waxa ay labadooda kaliya qaataan kala bar 6da boqol milyan euro ee La Liga ka soo gasha baahinta ciyaaraha ee TV-yada.
La Liga ma lahan nidaam lacagta si siman loogu qeybsanayo sida ay sameeyaan horyaalada kale ee qaarada yurub, waxaana ay taasi keentay in dhaqaalo ahaan iyo tayo ahaan ay Real iyo Barca ka fogaadaan kooxaha kale ee horyaalka.
Valencia, oo ku dhameysatay kaalinta seddexaad balse in ka badan 20 dhibcood u jirtay kooxda kaalinta labaad seddexdii xilli ciyaareed ee u danbeysay ayaa ka iibisay Alba kooxda Barcelona, waxaana ay horyaalka ku bilaabanayaan iyagoo aan niyad sameyn, islamarkaana uu hogaaminayo tababare cusub Mauricio Pellegrino.
Malaga, oo ku dhameysatay kaalinta afaraad islamarkaana u dabaaldegtay markii ugu horeysay ee ay u soo baxdo Champions League ayaa xiddigeeda reer Spain Santi Cazorla waxa ay ka iibisay Arsenal, waxaana haatan lagu soo waramayaa in milkiilayaashooda reer Qatar ay doonayaan inay kooxda iska iibiyaan.
Kooxda ku guuleysatay Europa League Atletico Madrid ayaa weysay kubadsameeyaha reer Brazil Diego, kaasoo ku laabtay Wolfsburg ka dib amaah uu ugu ciyaaray, inkastoo ay ceshteen dhaliyahooda Radamel Falcao.
Kooxda laga yaabanaa xilli ciyaareedkii hore Levante oo heshay booskeeda Europa League, ayaa iska iibisay dhaliyahooda Arouna Kone, halka kooxda finalka ka soo gaartay Europa League iyo Copa del Rey Athletic Bilbao ay ku dhow yihiin inay waayaan Fernando Llorente iyo Javi Martinez.
Kulamada Lagu Furayo Isbuucaan Horyaalka Spain:
Maanta:
Celta de Vigo ? – ? Malaga
Sevilla ? – ? Getafe
Mallorca ? – ? Espanyol
Axad
Athletic Bilbao ? – ? Real Betis
Real Madrid ? – ? Valencia
Barcelona ? – ? Real Sociedad
Levante ? – ? Atletico Madrid
Isniin
Deportivo La Coruna ? – ? Osasuna
Rayo Vallecano ? – ? Granada
Zaragoza ? – ? Valladolid