
Weeraryahanka reer Brazil ayaa muddo dheer diirada u saarnaa kooxda dhawaan ku guuleysatay Champions League, waxaana labada kooxood ay yeesheen wadahadalo horumar leh oo ku aadan saxiixiisa.
Si kastaba, ilo ku dhow dhow wadaxaajoodkaas ayaa u sheegay Daily Mail in meesha la isku mari la’ yahay weli inay tahay lacagta lagu iibsanayo ciyaaryahanka.
Hulk ayaa qandaraaskiisa waxaa lagu burburin karaa 80 milyan ginni, inkastoo kooxda reer Portugal ay diyaar u tahay inay aqbasho 38 milyan ginni.
Chelsea ayaan weli miiska la imaan lacagta ay dooneyso Porto, taasoo sababeysa in heshiiska uu dib u dhaco inkastoo la filayo in la soo gabagabeeyo.
25 jirkaan ayaa ka ciyaari kara labada garbood, iyo weerarka afka hore, waxaana uu dhaliyay 57 gool 91 kulan oo uu saftay labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay.
Kooxo dhowr ah ayaa lala xiriiriyay Hulk oo ay ku jiraan labada Manchester, Liverpool iyo Tottenham, lakiin Chelsea ayaa ah koox kaliya ee si rasmi ah u dalbatay ciyaaryahanka.