
Kabtanka xulka Sweden ayaa magaalada Malmo waxaa uu la joogaa xulka Sweden kahor kulanka isreebreebka koobka adduunka ay la leeyihiin xulka Kazakhstan oo ay ku wada ciyaari doonaan garoonka Swebank Stadion.
Ciyaaryahankan 30-jirka ah ayaa waxaa ay maamulka magaalada Malmo ku sharfeen goob lagu magacaabo ‘Walk of Fame’ oo ku taal barxada garoonka kubbada cagta, waana meel loogu talo galay in lagu xusuusto dadka dhinaca ciyaaraha horumar ka gaaray ee ka soo jeeda magaaladaas.
“Waa sharaf weyn, waxayna cadeyneysaa inaan wax wanaagsan sameeyey intii aan ciyaaraha ku dhex jiray,”ayuu Ibrahimovic u sheegay France Football. “Badanaa waxaan dhahnaa ma noqonkartid halyey kahor geeridaada, Laakiin waxaan ahay Halyey Nool. Ugu yaraan waxaan u ahay reer Malmo.”
Ibrahimovic ayaa waxaa wax laga weydiiyey weriye reer Sweden ah oo ku eedeeyey in uusan dabaaldegin marka uu gool dhaliyo isagoo la barbardhigey tii uu sameeyey Cristiano Ronaldo kulankii toddobaad ka hor ay kooxda Granada uu ka dhaliyey labo gool.
“Waan ku fahmaa waxaad isku dayaysaa inaan qof kale ila barbardhigto, Maya ilama barbardhigi kartid aniga isaga,”ayuu yiri
“Markii aan gool ka dhaliyey iyadoo ciyaartu socoto 27 seken kooxda Lille toddobaadkii hore,waxaan haysay 89 daqiiqo oo ciyaar ah. Marka waxaan jecleystey in aan farxadayda muujiyo marka ay ciyaartu dhamaato sababtoo ah wax walba ayaa dhici kara inta ay ciyaartu socoto.”
Xulka Sweden ayaa Talaadada la ciyaari doona xulka Kazakhstan iyagoo ku jira Guruup C ciyaarayaha isreebreebka koobka adduunka ee 2014.