
Balotelli ayaa ku hanjabay inuu isaga bixi doono garoonka hadii cunsurinimo
lagula kaco ciyaaraha Euro 2012, isagoo sheegay inuu dili doono qof walba oo
isku dayaa inuu moos ku soo tuuro isaga.
Xiddiga
kooxda Manchester City ayaa ka hadlay walaaca sii kordhaya ee ku aadan in la
bartilmaameedsan doono ciyaartoyda midabka madow marka uu koobka Euro 2012
isbuuca soo socda ka bilowdo Poland iyo Ukraine.
Qoysaska
Alex Oxlade-Chamberlain iyo Theo Walcott ayaan u safrin doonin Ukraine madaama
ay u baqeen amaankooda, lakiin Balotelli oo asal ahaan ka soo jeeda Ghana ayaa
yiri: “Marnaba ma aqbali doono midabtakoor. Waa wax aan la aqbali karin. Hadii
qof uu igu soo tuuro moos anigoo wadada maraya, waxaan aadi doonaa xabsi
sababtoo ah waan dili doonaa”
Balotelli
ayaa dhowr jeer dhibane u ahaa cunsuriyada, waxaana ugu danbeysay bishii
Febraayo markaasoo FC Porto lagu ganaaxay in taageerayaashooda ay isir naceb
kula kaceen Mario kulankii Europa League.
“Aan
aragno waxa ka dhaca Euro” ayuu hadalkiisa raaciyay Balotelli.
“Waxaan
rajeynayaa in dhibaato la;aan uu ku dhamaado. Sababtoo ah uma dulqaadan karo
waxyaabahaas oo kale”.
Balotelli
ayaa intii uu Inter Milan u ciyaarayay waxaa cunsurinimo kula dhaqmay
taageerayaasha kooxaha Juventus iyo Roma, taasoo kaliftay in Juve mar lagu
ganaaxo inay ku ciyaarto garoon bilaa taageero ah.
Bishii
June sannadkii hore, waxaa baar ku yaala caasimada Talyaaniga ee Rome kula kacay
cunsurinimo isagoo lagu soo tuuray moos sida inuu yahay daanyeer.
Isagoo
dhacdadaas ka hadlayana waxa yiri: “Nasiib ayay aheyd inuu boliiska halkaas
yimid, sababtoo ah waan garaaci lahaa. Xaqiiqdii waa burburin lahaa. Waxaan
rajeynayaa inaysan dib danbe u dhicin”.