
Iker Casillas ayaa saftay kulankiisii 130aad ee Spain, Casillas ayaa guul la qeybsaday Spain 95 kulan, isagoo noqday ninka ugu sareeya guulaha caalamiga ah marka loo fiirsho Difaacii France Lilian Thuram iyo xidigii Masar Ahmed Hassan.
31 jirkaani ayaa bedel kusoo galay qeybtii labaad ee ciyaarta halka uu goob joog u ahaa goolka afaraad ee uu shabaqa dhex dhigay Alvaro Negredo.
Casillas, oo sidoo kale 74 kulan aan shabaqiisa laga soo taaban intii uu xulka u ciyaarayay ayaa noqday goolhayihii afaraad ee ugu safashada badan ciyaaraha caalamiga, waxaana uu ka danbeeyaa goolhayaha Saudi Arabia Mohamed Al-Deayea oo saftay 178 kulan, goolhayihii Italy Thomas Ravelli oo saftay 143 kulan iyo goolhayihii South Korea Lee Won-Jae oo saftay 132 kulan.