
waxa kaliya ee uu xiiseynayo inay tahay guulihii uu dhawaan la gaaray Real
Madrid iyo guulaha uu mustaqbalka la gaarayo.
31 jirkaan kabtanka u ah Los Blancos ayaa horyaalka La Liga kula guuleystay kooxda
xilli ciyaareedkii hore, taasoo uu dareensan yahay inay ka muhimsan tahay waxa
ka dhacaya Camp Nou.
“Waan ixtiraamaa Barcelona iyo waxa uu Guardiola sameeyo, lakiin waxa I xiiso gelinaya
ayaa ah Real Madrid iyo inaan ku guuleysto koobabka macquulka ah oo dhan” ayuu
wariyayaasha ugu sheegay shir jaraa’id oo ku qabtay Houston.
“Horyaalka waxaan ku bilaaban doonaa si fiican, waxaan wajihi doonaa Valencia oo ah koox si
fiican u ciyaarta. Ujeedada waa inaan sii wadnaa ku guuleysiga horyaalka”
“Waxaan doonayaa inaan kula guuleysto afar koob Real Madrid, Spanish Supercopa, La Liga,
Copa del Rey iyo Champions League”.
“Waa iska cadahay guul aan ka gaarno Champions League inay Real Madrid u tahay wax
gaar ah madaama ay noqoneyso koobkii 10aad. Xilli ciyaareedkii hore waxaan ku
dhawaanay finalka; xilli ciyaareedkan waxaan isku dayi doonaa inaan ku
guuleysano”.