
30 jirkaan ayaa muddo dheer lala xiriirinayay kooxda ka dhisan San Siro, waxaana madaxweynaha Genoa uu haatan xaqiijiyay in labada kooxood ay ka heshiiyeen saxiixa ciyaaryahanka.
“Rodrigo Palacio waxa uu noqon doonaa ciyaaryahan Inter ah xilli ciyaareedka soo socda” ayuu Preziosi u sheegay suxufiyiinta.
Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa weli aan heshiis shaqsi ah la gaarin kooxda Inter.
Kooxda ku guuleysatay Champions League 2010kii ayaa suuqa ugu jirtay weeraryahan cusub madaama Mauro Zarate uu xagaaga ku laabanayo kooxda Lazio ka dib marka uu dhamaado heshiiskiisa amaahda ee halka sanno, halka Diego Forlan lala xiriiriyay inuu ka sii socdo Nerazzurri.