
19 jirkaan ayaa ka mid ah ciyaartoyda ugu shidan ee saaran suuqa kala iibsiga xagaagan, iyadoo Inter, Manchester United iyo Real Madrid ay wada xiiseynayaan.
Mar sii horesay shalayto madaxweynaha Inter Massimo Moratti ayaa si maldahan u sheegay in kooxdiisa aysan dooneynin inay bixiso 40ka milyan euro ee ay dooneyso kooxda Sao Paulo.
Si kastaba, sida ay baahineyso Tv-ga Sky Sport Italia labada kooxood ayaa gaaray haatan heshiis 27 milyan euro ah kaasoo ugu danbeyn noqon doona 32 milyan euro oo ku xiran sida uu ciyaaryahanka khadka dhexe ugu ciyaaro kooxda Talyaaniga.
Waxaa la rumeysan yahay in waxa kaliya ee ka haray in la dhameystiro saxiixiisa ay tahay inay heshiis shaqsi ah Inter la gaarto Lucas.
Waxa uu noqon doonaa ciyaaryahankii labaad ee Brazil ah ee ka soo tago dalkiisa labo isbuuc gudaheed, ka dib markii Chelsea ay si rasmi ah u la waareegtay kubadsameeyihii kooxda Internacional Oscar lacag lagu sheegay inay gaareyso 32 milyan euro