
Wesley Sneijder,Diego Milito iyo Philippe Coutinho ayaa min hal gool u dhaliyey Inter iyadoo saddexdii dhibcood duubatay.
Kooxda Inter ayaa la filayay inay si sahlan ugaga soo badinayso kooxda Pescara oo xilli ciyaaredkan ku soo biirtey Serie Ada.
Waxana ay guushan u tahay bilow wanaagsan kooxdan xilli ciyaareedkii hore kaalinta 6aad ku dhamaysatay,3 tababarana ay isku bedeleen.
Napoli ayaa sidoo kale waxaa ay heshay guushii koowaad ee horyaalka Serie Ada kadib markii ay 3-0 ugu awood sheegatay naadiga Palermo iyadoo weliba marti u ahayd kooxda Sicily ka dhisan.
Napoli ayaa waxaa goolasha u kala dhaliyey Hamsik,Cavani iyo C Maggio waxayna saddexda goolba dhasheen qeybtii dambe ee ciyaarta.
Kulamadii kale ee horyaalka Talyaaniga ee la dheelay ayaa waxaa kooxda Lazio ay 1-0 ugaga badisey Atlanta, Rome iyo Catania waxa ay isla dhaafi waayeen 2-2 sidoo kale Genoa ayaa 2-0 ku dirtey Cagliari halka Chievo 2-0 uga gudubtay Bologna, balse Siena iyo Torino ayaa goolal iska dhalin waayay waxayna ku kala baxeen 0-0.