
Iyadoo xulka martigelinaya koobkaan South Afrika ay Group A kula wehliyaan xulka Cape Verde, Morocco iyo Angola.
Xulalka isku warsaday Group D ayaa u muuqda kuwa ugu adag, iyadoo Ivory Coast ay kula wehliyaan Togo, Algeria iyo Tunisia.
Kulamada kale ee xiisaha leh waxaa ka mid ah Ghana iyo Mali oo isku warsaday Group B waxaana kula wehliya Dr Congo iyo Niger, halka Nigeria ay wajahi doonaan xulka heysta koobkan ee Zambia, waxaana Group C kula wehliya xulalka Ethiopia iyo Burkino Faso.
16ka xul ayaa ku ciyaari doonaa shan magaalo oo South Afrika ah oo martigelinaya koobkaan oo socon doona 19ka Janaayo ilaa 10ka Febraayo 2013.
GROUP A South Africa� Angola�