
Guul ay Italy ka gaarto Ireland waxa ay ka dhigeysaa inay lahaan doonaan shan dhibcood, halka Spain iyo Croatia oo oo ku kulmi doona Gdansk waqti isku mid ah ay iyagana wada leeyihiin haatan afar dhibcood. Waa halka ay arinta ka qasmeyso. Hadii Spain iyo Croatia ay ku kala baxaan barbaro 2-2 ah ama barbaro intaas ka badan, guul ay Azzurri gaarto micno yeelan meyso, waana waxa ay saxaafada Talyaaniga ka hadlayaan iyagoo aaminsan in Spain iyo Croatia ay ku heshiiyeen inay barbarahaas ku kala baxaan si ay isku badbaadiyaan.
Waxaana saxaafada Talyaaniga warkaan ka keenaya taariikh hore oo qabsatay sideed sanno ka hor. Euro 2004 xulka Talyaaniga waxa ay ku hareen wareega Group-yada markii barbaro 2-2 ah ay ku kala baxeen Denmark iyo Sweden oo la aaminsanaa inay ku heshiiyeen sidaas.
Iyadoo Spain loo badinayo inay kaalinta koowaad ee Group-ka ku soo baxeyso ka dib ciyaarta Croatia, lakiin barbaro goolal la’aan ah oo ay galaan ama guuldarro Croatia soo gaarta iyo guul ay gaaraan Italy waxaa markaas soo baxeyso xulka Cesare Prandelli.
Croatia iyo Spain waligood kuma aysan kulmin tartan caalami ah, halka Italy aysan ka badinin Ireland tan iyo 2005tii.