
Italy ayaa qeybtii hore ee ciyaarta heshay fursado dhowr ah oo ay iska qasaariyeen, gaar ahaan Mario Balotelli oo fursada cajiib ah ka dhumiyay, lakiin waxa ay hogaanka ciyaarta qabteen daqiiqadii 39aad ee ciyaarta markii laad xor ah oo toos ah uu shabaqa ku hubsaday xiddiga khadka dhexe Andrea Pirlo.
Pirlo ayaa noqday ciyaaryahankii ugu horeeyay ee si toos ah u dhaliya laad xor ah ciyaaraha Euro tan iyo 2004tii markaasoo laga dhaliyay markii ugu danbeysay Germany.
Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay Italy ku hogaamineysay, lakiin qeybtii labaad ayaa Croatia ay heshay fursad qaali ah waxaana daqiiqadii 72aad u barbareeyay ciyaaryahan Mandzukic oo leh seddex gool labo kulan oo uu ciyaaray.
Mandzukic ayaa barbareeyay Davor Suker oo ahaa ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa Croatia ee koobka Euro isagoo dhaliyay seddex gool.
Italy iyo Croatia ayaa qeybtii labaad waxa ay u dagaalameen inay heleen goolka guusha lakiin kooxna waa ay awoodi weysay inay shabaqa soo taabsiiso goolka guusha.
Croatia ayaa haatan leh 4 dhibcood, halka Italy ay leedahay 2 dhibcood, Spain oo wax yar ka dib la ciyaari doonta Ireland ayaa leh 1 dhibcood, halka Ireland aysan waxba laheyn.
Croatia ayaa kulankeeda ugu danbeeya waxa ay la ciyaari doontaa Spain, halka Italy ay la ciyaari doonto kulankeeda ugu danbeeya Group-ka Republic of Ireland
Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay Italy ku hogaamineysay, lakiin qeybtii labaad ayaa Croatia ay heshay fursad qaali ah waxaana daqiiqadii 72aad u barbareeyay ciyaaryahan Mandzukic oo leh seddex gool labo kulan oo uu ciyaaray.
Mandzukic ayaa barbareeyay Davor Suker oo ahaa ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa Croatia ee koobka Euro isagoo dhaliyay seddex gool.
Italy iyo Croatia ayaa qeybtii labaad waxa ay u dagaalameen inay heleen goolka guusha lakiin kooxna waa ay awoodi weysay inay shabaqa soo taabsiiso goolka guusha.
Croatia ayaa haatan leh 4 dhibcood, halka Italy ay leedahay 2 dhibcood, Spain oo wax yar ka dib la ciyaari doonta Ireland ayaa leh 1 dhibcood, halka Ireland aysan waxba laheyn.
Croatia ayaa kulankeeda ugu danbeeya waxa ay la ciyaari doontaa Spain, halka Italy ay la ciyaari doonto kulankeeda ugu danbeeya Group-ka Republic of Ireland.