
Ciyaarta ka hor dad badan ayaa aaminsan Germany ay kulankaan ugu cadcadahay, lakiin Italy ayaan dhinaceeda dhulka la dhigin kulamadii tartankaan, waxaana ay wareega 8da si ay u qalmeen ay kaga soo talaabsadeen xulka England.
“Ma bedeli doono, wixii aan halkaan ku nimid” ayuu yiri Prandelli.
“Ceeb ayay noqon doontaa hadii aan iska qasaarino shaqadii aan heynay labo sanno. Uma ciyaari karno si ka duwan sidii aan u ciyaarnay kulamadii ugu danbeeyay”.
Italy ayaa dhalisay kaliya afar gool tartankaan koobka qaramada yurub, lakiin qadkooda dhexe oo uu maamulo xiddiga Juventus Andrea Pirlo ayaa ah mid si aad ah loo amaanay.
Waxaana ciyaaryahankii hore ee Juventus Prandelli uu cadeeyay in kooxdiisa ay ku soo shirtagi doonto kubad weerar ah oo kacsan.
“Difaac kama geli karno Jarmalka” ayuu yiri.
“Germany ciyaar degdeg ah ayay la soo bixi doontaa. Diyaar ayaana u nahay”.
“Waan ka warqabnaa sida ay u fiican yihiin, iyo sida ay u soo safan doonaan, taas ayaana isbedel keeni karta”.