
Ciyaaryahankan qadka dhexe ee reer England ayaa waxaa uu inkabadan 12 bilood ugaga maqnaa garoomada dhaawac soo gaaray waxaana la rajaynayaa in garoomada uu si rasmi ah ugu soo laabto bisha Oktoobar ee sanadkan isagoo ka soo bogsanaya dhaawacyo ka soo gaaray lugta iyo jilibka.
Jack Welshere ayaa xiran doona maaliyada lambarka 10 aad ee uu baneeyey Van Persie waxana maaliyadii ugaga sii horeeyey Persie Dennis Bergkamp.
Ciyaaryahan Lukas Podolski ayaa xiran doona xilli ciyaareedka cusub maaliyada No 9, halka Santi Cazorla uu isna xiran doono maaliyadii hore ee Wilshere ee 19. Kooxda Arsenal ayaa waxa ay hore u shaacisey in kabtanka kooxda uu noqon doono Thomas Vermaelen kaasoo bedelaya Robin van Persie.
Arsenal ayaa waxa ay kulanka ugu horeeya ee horyaalka Premier League garoonkeeda kula ciyaari doontaa Sunderland maalinta Sabtida ah.
Numberada ay xiran doonaan ciyaartoyda Arsenal xilli ciyaareedka soo socda:
1 SZCZESNY
2 DIABY
3 SAGNA
4 MERTESACKER
5 VERMAELEN
6 KOSCIELNY
7 ROSICKY
8 ARTETA
9 PODOLSKI
10 WILSHERE
11 SANTOS
12 GIROUD
14 WALCOTT
15 OXLADE-CHAMBERLAIN
16 RAMSEY
17 SONG
18 SQUILLACI
19 S.CAZORLA
20 DJOUROU
21 FABIANSKI
22 COQUELIN
23 ARSHAVIN
24 MANNONE
25 JENKINSON
26 FRIMPONG
27 Gervinho
28 GIBBS
29 CHAMAKH
30 PARK
52 BENDTNER