
Kulankaan oo ay ciyaarayaan ciyaartoyda juunyeerka Arsenal iyo Chelsea ayaa loo soo agaasimay si loo dedejiyo soo laabashada ciyaaryahanka khadka dhexe oo dhaawac uu ka soo gaaray qancowga ay sababtay in ku dhawaad 16 bilood uu garoomada ka maqnaado.
Wilshere oo 20 jir ah ayaa la filayaa inuu kulankaas saaxiibtinimo oo ka dhici doonta garoonka tababarka uu ciyaaro 75 daqiiqo.
Qorshaha waxa uu yahay markaas inuu ciyaaro kulanka buuxa oo ay kooxda juunyeerka Arsenal kaga hortageyso Everton isniinta soo socota, waxaana laga yaabaa markaas inuu ku soo laabto kooxda waa weyn ee Arsenal kulanka Capital One Cup ee Reading ay la ciyaari doonaan muddo labo isbuuc ay haatan inaga xigto.
Boos keyd ah oo uu ka helo kulanka Champions League ee ay la ciyaarayaan isbuuca soo socda Schalke ayaa iyadana lafteeda meesha laga saarin.
Bacary Sagna iyo Emmanuel Frimpong, oo labadoodaba dhaawacyo muddo dheer ku maqnaa ayaa iyagana ciyaari doona kulanka berri ee saaxiibtinimo.
Labada ciyaaryahan ayaa kaga dhow inay kooxda ku soo laabtaan marka loo fiiriyo Wilshere, waxaana laga yaabaa inay qeyb ka noqdaan kooxda u safreysa Norwich sabtida.