
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee dalka Argentina oo sidoo kale ciyaari kara daafac dhexe ayaa ciyaaryahan muhim ah ka noqday kooxda Catalan tan iyo markii uu 22 milyan euro uga soo wareegay Liverpool.
Waxa uu haatan labo sanno ku kordhiyay qandaraaskiisii hore oo dhici lahaa 2014, waxaana uu soo gabagabeeyay shaki la gelinayay mustaqbalkiisa Camp Nou.
Dhinaca Barca ayaa sheegtay in lacagta lagu burburin karo heshiiska Mascherano ee Barca inay tahay 100 milyan euro.
28 jirkaan ayaa 97 kulan u saftay Blaugrana, inkastoo uusan weli wax gool ah u dhalinin.