
Kooxda ka dhisan waqooyiga London ayaa labadii kulan ee ugu horeysay horyaalka barbaro goolal la’aan ah la galay kooxaha Sunderland iyo Stoke.
20 jirkaan ayaa shaaca ka qaaday in guul ay ku gaaraan Anfield inay natiijooyinkii hore ilow siineyso, inkastoo uu Reds ku tilmaamay inay yihiin koox weyn.
“Waxa ay noqon doontaa oraah weyn inaan ku badino halkaas.” ayuu u sheegay website-ka kooxdiisa.
“Liverpool waa koox weyn laakiin waxaan kaliya diirada saareynaa ciyaarteena, sida aan ku rajo weynahanayna waxaan heli doonaa seddexda dhibcood aan u baahanahay.”
Ciyaaryahankii hore ee Charlton ayaa ka hadlay sdioo kale sida uu u jecel yahay taageerayaasha Andield isagoo ku tilmaamay in garoonka uu yahay meel special ah oo lagu ciyaaro kubada cagta.
“Anfield mar walba waa meel weyn oo kubada cagta lagu ciyaaro, waxaana u soconaa seddexda dhibcood” ayuu hadalkiisa raaciyay.
“Sannadkii hore waxaan fadhiyay kursiga keydka, lakiin jawiga garoonka iyo garoonka laftiisa waa mid special ah. Liverpool waa koox hami leh, waana hubaa inaysan iska fariisan doonin Anfield oo dhibic kaliya u dagaalami doonin.
“Sida aan rajeynayo ciyaarta waxa ay noqon doontaa mid furan, malahana taas faa’ido ayaa inoogu jiri doonta sababtoo ah wadooyin ayay inoo furi doontaa waxoogaa.”
Gunners ayaa booqanaya Anfield iyagoo aan guuldarro ku soo dhadhamin afartii sanno ee ugu danbeysay.