
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Swansea ayaa ku sugnaa xalayto Anfield isagoo daawanayay Liverpool oo 3-0 ku xaaqday kooxda FC Gomel, waxaana la filayaa inuu tijaabada caafimaadka maanta u maro kooxda islamarkaana qalinka ku duugo heshiiska uu ugu soo wareegayo.
“Heshiis waa uu dhow tahay” ayuu yiri tababaraha Liverpool Brendan Rodgers.
“Xaqiiqda ah inuu halkaan joogay ayaa ku tusineysa inuu jiray xiriir aan la sameynay Swansea, waxaana fileynaan inaan heshiiska soo gabagabeyno 24ka saacadood ee soo socda”.
Waa talaaabo kale oo muhim ah oo uu qaadayo Rodgers oo dhisaya kooxda uu raba inay ka howlgasho Anfield. Saxiixiisii ugu horeeyay Fabio Borini ayaa ku bilowday sida ugu macquulsan ee ugu fiican, isagoo kulankiisii ugu horeeyay ee Anfiled shabaqa soo taabtay guul sahlan oo ay Liverpool ugu soo baxday ciyaarta ugu danbeysa ee isreebreebka Europa League.
“Waa muhim in weeraryahan kasta uu gool dhaliyo sababtoo ah waxaa lagu qiimeynayaa goolashooda” ayuu yiri Rodgers.
“Lakiin waxaan halkaan u keenay sababtoo ah waxaan ogahay inay dhalin karo”.
“Kaliya waxa uu jiraa 21 waxaana u heystaa waqti uu horumar ku sii sameeyo. Lakiin shaqadiisa iyo awoodiisa uu kubada u leeyahay ayaan qabaa inay ku fiican tahay kooxdeena”.
Isfahamka Suarez iyo Borini oo todobaad kaliya tababar isla qaatay iyo kabtan Steven Gerrard ayaa Liverpool weerarkeeda ka dhigaya mid ka fiican xilli ciyaareedkii hore.