
Goolhayaha Manchester City ayaa isaga laftiisa careysnaa ka dib markii kooxdiisa ay iska qasaarisay fursad ay 2-1 ciyaarta ku hogaamineysay iyadoo 5 daqiiqo kaliya ay ka harsan tahay.
Hart ayaa ciyaarta ka dib ku cataabay: “Waa koox aad u fiican, lakiin anagaba waan nahay. Lakiin adigoo 2-1 ciyaarta ku hogaaminaya shan daqiiqana ay ka harsan tahay ma ahan in lagaa badiyo. Yaan kale oo aan eedeyn karnaa? Kaliya anaga ayaa eeda iska leh.”
Lakiin Mancini ayaa hadalkaas si carro leh uga jawaabay isagoo yiri: “Joe Hart waa inuu goolkiisa ku eekaadaa oo uu kubadaha badbaadiyaa. Hadii ay jirto cid dhaleeceyneysa kooxda waa aniga, ma ahan Joe Hart. Aniga ayaa ah garsooraha, ma ahan Joe Hart”.
Mancini ayaa qirtay in cadaadiska uu haatan ka bilowday Group D, lakiin waxa uu sheegay in City aysan fursad danbe iska qasaarin doonin wareegan group-yada.
Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waxaan qabaa kooxaha kale xitaa halkaan guuldarro ayaa ku soo gaari doonta, lakiin haatan waxaan heysanaa shan kulan kale oo aan ku soo bixi karno.
“Sidaasi darteed muhim weyn ayay inoo tahay inaan ka badino Dortmund kulanka soo socda ee aan ku ciyaareyno garoonkeena.
“Waan oganahay inay adkaan doonto madaama ay koox sarre yihiin, lakiin waxaan dooneynaa inaan soo baxno, waana inaan soo baxno”