
Tan iyo markii uu Jose Mourinho macalin u noqday kooxda Los Blancos, labada kooxood ayaa kulamadooda El Clasico waxa ay noqdeen kuwa isku dhac badan uu ka soo baxo islamarkaana ay isku maandhaafaan ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka.
Waxaana Cruyff oo shan sanno ku soo qaatay Camp Nou isagoo ciyaaryahan ah iyo sideed sanno oo uu tababare u ahaa uu aaminsan yahay in qilaafka u dhaxeeya ciyaaryahanada labada kooxood inay wiiqi karto fursada ay Spain u heysato inay difaacato koobkaan.
“Spain waa xul aad u wanaagsan, lakiin tababare Vincente del Bosque shaqo badan ayaa gacmaha ugu jirta oo ku aadan kala fogeyntii uu Jose Mourinho kala fogeeyay ciyaartoyda Real Madrid iyo Barcelona” ayuu Cruyff u sheegay De Telegraaf.
“Kooxna kuma cadcada koobkaan, waxaa jira xulal badan oo awood leh. Waxaa xiiso leh xilligan oo kale in tayada shaqsiyaadka aysan waxba ku soo kordhin Karin xulalka.
“Portugal ayaa tusaale kuugu filan. Waxaad arkeysaa magacyada qaar ee ay wataan, waxaadna ka filaneysaa xul weyn, lakiin koox ahaan uma istaagi karaan”.
Netherlands ayaa waxa ay ku Group yihiin Germany, Portugal iyo Denmark, waxaana Cruyff uu dareensan yahay in Group B uu yahay Group furan.
“Dabcan Jarmalka waa xul aad u fiican. Ciyaarihii ay isagu diyaarinayeen koobkaan waa laga badiyay qaarkood lakiin taas wax macno ah ma keeneyso. Kaliya waxa ay sii noqanayaan xul halis ah”.
“Dhanka kale Denmark hubaashii ma ahan xul tabar daran. Waana quruxda Groupka ay Netherlands ku jiro, sababtoo ah cidna ma taqaano xulkii soo bixi lahaa”.