
Xiddigii hore ee Barcelona Johan Cruyff ayaa ku tilmaamay tababaraha Real Madrid inuu ku hubgoobay ciyaaryahan ahaan kubada cagta.
Ninka reer Holland ayaa ku qoslay sheegashada tababaraha reer Portugal uu sheegtay in loogu yeero hada ka dib ‘the only one’, waxaana uu sidoo kale hadalo adag u adeegsaday madaxweynaha Blaugrana Sandro Rosell.
“Ma jirta waxa uu soo bandhigi karo ama ku faani karo ciyaaryahan ahaan, lakiin haatan ayuu wax sameyn karaa” ayuu yiri Cruyff sida ay qortay AS.
“Haa, waxa uu yahay midka kaliga ah, waa midka kaliya ee waalan ee dhahaya wax sidaas oo kale ah, waxa uu u waalan yahay sida qof jaakada waalida loo xiray.”.
Cruyff ayaa sidoo kale ka hadlay siyaasada suuqa kala iibsiga ee kooxdiisii hore, waxaana uu xusay in Tito Vilanova ay hortaalo shaqo culus.
“Falsafada ugu fiican waa inaad abuurtaa ciyaaryahano ma ahan inaad soo iibsato. Aniga iyo Rosell ma wadaan falsafad isku mid ah. Ma aaminsan inuu fahamsan yahay in Barca ay tahay wax ka badan koox.”.
“Vilanova waa inuu cadeeyaa qiimihiisa marka ay xaalada adkaato. Waa inaan sugnaa oo aan aragnaa ka hor intaanan go’aan ka gaarin. Inaad ka hoos shaqeyso Guardiola la mid ah inaad adiga tababare noqoto, waa wax aad uga duwan.” ayuu hadalkiisa ku koobay.