
Willasha Bert van Marwijk ayaa lumiyey labadoodii kulan ee ugu horeysay Euro 2012 waxayna hadda u baahan yihiin guul marka ay ka horyimaadaan xulka Portugal iyagoo rajeyn doona in Scandinavians guul darro kasoo gaarto dhinaca Joachim Low si ay ugu soo baxaan Koobka Qaramada Yurub wareegiisa 8da.
Difaaca Everton ayaana maanka ku haaya in ciyaaryahanada Germany ay u sheegeen dhigooda Netherlands inay ka go’an tahay inay garaacaan Denmark.
“Lid ayaan ku noqon karnaa Germany. Waxay nagu abaal mariyeen ka dib ciyaarta inay na caawinayaan,” ayuu u sheegay saxaafada.
Inkastoo ay tani u diri karto inay Holland u gudubta wareega 8da hadana lama oga waxa dhici kara marka ay ku kulmaan Group-ka dhimashada, Heitinga ayaase dareensan in xulkiisu ay awood buuuxda u leeyihiin inay gaaraan wareega sideed dhamaadka.
“Inaad u baahan tahay Laba gool oo nadiif ah aadna guul ka gaarto Portugal waxay noqon doonaa wax adag.
“Laakiin hanaanka ayaa ah mid deg deg ku dhisan. Berri [axada] shey kasta oo kale wuxuu noqon doonaa wax aan na quseyn xaqiiqdii waan sameyn karnaa, gaar ahaan weeraryahanada iyo weliba niyadeeda,”