
31 jirkaan oo 78 kulan u saftay xulka England tan iyo kulankiisii ugu horeysay ee 2003dii ayaa warbixin uu soo saaray ku sheegay inuu go’aankaan u qaatay dacwada ay ku soo oogayaan xiriirka kubada cagta Ingariiska awaadeed.
Terry ayaa maanta hortagaya maxkamad isboorti oo FA-ga isagoo lagu qaadayo dacwad la xiriirta inuu cunsurinimo kula kacay daafaca QPR Anton Ferdinand inkastoo maxkamadii madaniga aheyd ay danbi ku weysay bishii July.
“Waxaan maanta ku dhawaaqayaa inaan ka fariistay ciyaaraha heerka caalami” ayuu kabtankii hore ee England ku yiri warbixin uu soo saaray.
“Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahadceliyo tababarayaashii i soo xushay 78dii kulan ee aan xulka u saftay.
“Farxad weyn ayay ii aheyd inaan sharaftaas la wadaago dhamaan ciyaartoydii aan la soo ciyaaray. Waxaan jeclaan lahaa inaan u mahaceliyo, iyo taageerayaasha iyo qoyskeyga taageeradoodii iyo dhiirogelintoodii inaan ciyaarayay ciyaaraha heerka caalami.
“Inaan wadankeyga matalo oo aan kabtan u noqdo waxa aheyd wax aan ku riyoon jiray markaan wiil yar ahaa, sharaf weyn ayayna ii aheyd. Mar walbana intii karaankeyga ah waan u dadaali jiray, waaana in dhaawaceysaa inaan go’aankaan qaato.”
Terry oo hadii lagu helo danbiga ah inuu cunsurinimo kula kacay Anton Ferdinand wajihi doona ganaax waqti dheer oo la mid ah kii Luis Suarez uu maray xilli ciyaareedkii hore, ayaa sheegay in FA-ga ay dhigeen meel ciriiri ah taasoo keentay inuu go’aankaan qaato.
“Waxaan arintaan ku dhawaaqayaa ka hor dacwada FA-ga sababtoo ah waxaan dareemayaa in FA-ga ay dacwado igu soo oogayaan iyadoo maxkamad sharci ah ay danbi igu weysay, waxaana ay ka dhigeen booskeyga xulka qaranka mid muran uu ku jiro” ayuu Terry hadalkisa raaciyay.
Ciyaaryahankaan ku dhashay bariga London Terry ayaa mustaqbalkiisa oo dhan u ciyaarayay Chelsea tan iyo intii uu ku soo biiray isagoo 14 sanno jir ah.