
Waxa uu kulan la qaatay madaxda kooxda, waxaana loo sheegay in mustaqbalkiisa kooxda uu mugdi gelin doono hadii mar kale uu ku kaco fal cunsurinimo ah.
Inkastoo Chelsea ay taageereysay kabtankooda John Terry, hadana waxa ay u arkaan inuu dhaawac u geysan karo muuqaalka kooxda, waxaana ay shalayto ay xaqiijiyeen inay ka qaadeen talaabo dishibiliin ah inkastoo ay sheegeen inay sir u tahay wixii ay ku ciqaabeen.
Daafaca ayaa lagu ganaaxay 220 kun ginni oo ah mushaharka labo isbuuc, laakiin waxa uu weli kabtan u sii ahaan doonaa kooxda ka dib markii uu ku dhawaaqay inuusan racfaan ka qaadan doonin ganaaxii la duldhigay.
Terry ayaa waxaa wadar ahaan intii ay dacwadan socotay kaga baxday maxkamadii madaniga iyo dhageysiga dacwadii FA-ga lacag gaareysa 2 milyan ginni.
Daaficii hore ee xulka England Terry ayaa ganaaxiisa uu ka bilaaban doonaa kulanka sabtida, markaasoo Chelsea ay la ciyaari doonto Tottenham, waxaana uu sidoo kale seegi doonaa labo kulan oo ay wajihi doonaan Manchester United iyo sidoo kale kulan ay la ciyaari doona.