
cunsurinimo ku aflagaadeeyay Anton Ferdinand ka dib maxkamad dhageysigeeda ay
socotay muddo shan maalmood ah.
Waxaa go’aanka maxkamada aqrinayay Chief Magistrate Howard Riddle waxaana uu sheegay
inuusan wada akhrin Karin dhamaan qoraalka maxkamada madaama ay waqti dheer
qaadaneyso, balse uu ka soo qaadan doono qodobada muhimka ah.
Waxa uu bilaabay inuu maxkamada u sheegay:
“Arinta maxkamada ma ahan inay go’aansato in Mr Terry uu yahay cunsuri – waxaana helay
cadeyn ah inuusan aheyn”.
“Arinta meesha taagan waa in Mr Terry uu ereyadaas ugala jeeday aflagaado”.
“Go’aanka kaliya ee ay maxkamada rikoor gareyn karto waa inuusan danbi laheyn”.
Terry ayaa eedeymaha lagu heystay waxa ay aheyd inuu Ferdinand ku yiri sannadkii hore
“F*cking Black C*nt”, lakiin Terry iyo qareenadiisa ayaa ku andacooday in
hadalkaas uu ahaa mid ku celis ah madaama Terry uu u maleeyay in Ferdinand uu
leeyahay “Ma waxaad iigu yeertay F*cking Black C*nt” isna uu ku jawaabay “ Kuuma
yeerin F*cking Black C*nt”
Inkastoo maxkamada la keenay muuqaal muujinaya in hadalkaas uu dhahayo Terry, hadana
waxaa maxkamada la horgeyn waayay cadeyn ku aadan hadalkii ka horeeyay ka hor
inta uusan Terry sidaasi dhihin.