
23 jirkaan oo ay kooxda kula soo wareegtay 14 milyan euro bishii June, ayaan weli u ciyaarin Blaugrana ka dib markii uu ku biiray xulka wadankiisa ee ciyaaraha Olimbikada.
Alba ayaa ku soo laabtay Barcelona shalay galab ka dib markii La Roja lagu soo reebay wareega group-yada ee ciyaaraha Olimbikada, waxaana ay kooxda reer Spain xaqiijisay in daafacii hore ee Valencia in loo ogolaaday inuu nasta shanta maalmood ee soo socota, isagoo shaqada kooxda ku soo laabanaya 8da August oo ah marka ay Gothenberg ku kulamayaan Barcelona iyo Man United.
Martin Montoya iyo Cristian Tello ayaa iyagana sidoo kale qeyb ka ahaa xulka Spain ee ciyaaraha Olimbikada, lakiin iyaga waxa ay shaqada kooxda ku soo laabanayaan maanta oo jimce ah.
Dhinaca kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday in Andriano uu dhaawac canqowga ah ku soo gaaray tababarkii shalay, ciyaaryahanka reer Brazil ayaa shaki uu ku jiraa inuu ciyaari karo kulanka saaxiibtinimo ee ay sabtida la leeyihiin Paris Saint-Germain.