
Ciyaaryahanka reer Barcelona ayaa hogaanka u dhiibay xulka heysta koobka adduunka daqiiqadii 12aad markii uu baas qatar ah ka helay Pedro, laakiin ku celiskii la daawaday ayaa muujinaya inuu offside ku jiray markii uu helayay kubada.
Si kastaba, daafaca ayaan wax badan ka fekerin qaladkii uu garsooraha sameeyay, madaama waxa kaliya uu rabay ay aheyd in goolkiisa loo ogolaado.
“Waxba ma ahan hadii goolkeyga uu offside ah. Goolasha shaashadaha lagu soo qoro ayaa ah kuwa la tiriyo” ayuu yiri sida ay qortay jariirada AS.
“Waxa ay aheyd gool ku yimid wada shaqeyn kooxeed. Pedro ayaa si fantastik ah cirib iigu dhigay, taasoo ii ogolaatay inaan goolka dhaliyo. Aad ayaan ugu faraxsanahay goolka.
“Waan ku faraxsanahay sida ay wax u socdaan, mar walbana waan ku faraxsanahay inaan gool dhaliyo. Raaxo ayaan ku dareemayaa Spain iyo Barcelona.”
Spain ayaa ciyaareysa habeenka talaadada markaas oo ay ka horimaan doonaan xulka France.