
Mourinho ayaa wareysi siiyay majalada A Bola ee ka soo baxda dalkiisa Portugal, waxaana si aan hore loo arag uu u amaanay una difaacay xiddiga Real Madrid.
“Fal danbiyeed ayay noqon doontaa hadii uusan Cristiano Ronaldo ku guuleysan Ballon d’Or” ayuu yiri Mourinho, kaasoo qirtay inuu isweydiiyay cida ah ciyaaryahan ugu fiican adduunka ka dib kulankii El Clasico, inkastoo uu yiri inay tahay in la mamnuuco in laga hadlo.
“Axadii waxaan nafteyda weydiiyay su’aashaas ka dib ciyaar fantastik ah, waxaana isku dayay inaan helo jawaab cadaalad iyo xushmad leh, kaliya ma ahan ciyaaryahankeyga laakiin ciyaaryahanka ay xafiiltamayaan xitaa Lionel Messi.
“Hada ka dib marka qof mas’uuliyadeyda oo kale leh uu ii yimaado, iina sheego in ciyaaryahankiisa uu yahay kan ugu fiican adduunka, waxaana markaas ugu jawaabi doonaa sida tan
“Ciyaaryahankeyga kuma dhalan magaalada Madeira, waxa uu ku dhashay meeraha Mars sidaasi darteed adduunkan kamaba uusan imaan. Sidaasi darteed isaga ayaa ah ciyaaryahanka ugu fiican gayigaan oo dhan.”