
Kooxda reer Catalans ayaa inta badan tababarayaasha kooxaha ka soo horjeeda ay u arkaan koox aan heerkeeda la gaari karin islamarkaana qaabka ay u ciyaareyn ay tahay in loo ciyaaro kubada cagta.
“Waxaan qabaa in la joogo waqtigii dadku ay iska yareyn lahaayeen ka hadalka Barcelona, islamarkaana ay joojin lahaayeen inay wax barbardhigaan” ayuu Mourinho u sheegay France Football.
“Waa maxay sababta dadku uga hadlayaan Barca? Real Madrid ayaa ah horyaalka Spain, Chelsea ayaana ah horyaalka yurub. Barcelona midkoodna ma ahan labadaas xiligan la joogo.”
Tababarihii hore ee Inter ayaa sidoo kale ka hadlay qaabka ay u ciyaarto Barca, isagoo sheegay inuu ka doorbido falsafad ka duwan oo loo ciyaaro.
“Waxaan jeclahay inaan wax ku guuleysto, Barcelona sidaas ayay sameysaa. Waxa ay ku guuleysteen koobab badan, waana ay ku sii guuleysan doonaan mustaqbalka. Si kastaba, waxaan ka doorbidaa falsafada Madrid. Waxaan xilli ciyaareedkii hore ku ciyaareynay heer aad u sareeya.
“Waxaan ciyaarnay kubad qurxoon oo soo jiidasho leh. Waxaan ku riyaaqaa qaabka ay Madrid u ciyaarto. Ninkii uga dhaadhicin lahaa inuu jiro kaliya hal qaab loo ciyaaro oo soo jiidasho ah weli ma uusan dhalan.
“Dadka qaar waxa ay riyaaqaan qaabka ay Barcelona u ciyaarto, qaar kalena kuma riyaaqaan. Waan ixtiraamayaa falsafadooda, waxaana qirayaa inay yihiin koox adag tahay in laga horyimaado. Kooxaha qaar ayaa isku dayaya inay minguuriyeen qaab ciyaareedkooda iyagoo u arka qaab ciyaareedka ugu fiican. Madrid waxa ay heysataa qaab ciyaareedkeeda u gooniga ah ee lagu yaqaano.”