
Tababaraha reer Scotland ayaa weli macalin ka ah Old Trafford isagoo 70 jir ah, halka tababaraha Real Madrid uu si aad ah uga da’ yar yahay isagoo 50 jir noqonaya bisha Janaayo.
Mourinho ayaa sheegay in jaceylka uu u qabo ciyaarta inay ku sii heyn doonto.
“Si wacan ayaan u fahmi karaa sababtoo Alex uu weli shaqada u hayo isagoo 70 jir ah, waxaana qabaa inaan sidaas oo kale noqon doono” ayuu Mourinho u sheegay Sky Sports.
“Aad ayaan u jeclahay kubada caga, tababarenimadana aad ayaan u jeclahay. Weli waxaan noqon doonaa mid da’ yar marka aan noqdo 50 jir, waxaana aaminsahay in waqti badan uu weli iga horeeyo.
“50 waa tiro saameyn gooni ah leh. Waa tiro aan aamisanahay in mararka qaar si xun maskamxda qofka u dhaawacda, sababtoo ah waxa ay aaminayaa in adduunkooda uu si dhaqso ah u socoda, islamarkaana noloshooda ay soo yaraaneyso si aad iyo aad ah.
“Waa tiro iga dhigeysaa inaan dib u fiiriyo wixii u soo dhaafay oo aan ka fekero, sidoo kale aan hore fiiriyo. Waxaan ahaya qof faraxsan sababtoo ah wixii aan ilaa iyo haatan qabtay waxaa qabaa inay yihiin wax cajiib ah.”
Mourinho ayaa haatan ah ninka kaliya ee ku guuleustay horyaalada England, Italy iyo Spain, isagoo tababare ka ah Chelsea, Inter iyo Real Madrid.