
49 jirkaan ayaa heli doonaa abaalmarinta lagu aqoonsanayo guulaha uu ka gaaray kubada cagta maalinta jimcaha isagoo ku gudoomi doona Pestana Hotel oo ku yaala Lisbon, waxaana marka uu helo abaalmarinta uu la hadli doonaa saxaafada. Waa abaalmarinta ugu sareysa ee ay bixiyaan CNID, taasoo la aasaasay 1967dii.
Mourinho oo shaqadiisa tababarenimo ka bilaabay Benfica 2000 ayaa ku hogaamiyay FC Porto hal Uefa Cup iyo hal Champions League labadii sanno ee uu kooxda joogay intii u dhaxeysay 2002-04.
Waxa uu markaasi aaday Chelsea iyo Inter oo uu koobab kala duwan la qaaday ka hor inta uusan xagaagii 2010 ku biirin Real Madrid. Isagoo ku hogaamiyay Los Blancos hal Copa del Rey iyo koobka La Liga.