
Kooxda Real madrid ayaa habeen danbe ka hortagi doonta kooxda ay xafiiltamaan ee Barcelona lugta hore ee Super Cup oo ka dhici doona Camp Nou. Real ayaa badisay kaliya hal kulan lixdii kulan ee ay kulmeen tartamada oo dhan xilli cuyaareedkii hore.
“Inay guuldarro naga soo gaarto Super Cupka gaar ahaan Bacelona, waxa ay na siin doontaa dhiirogelin xoogan oo aan ku guuleysano horyaalka, kaasoo ah hamigeenka ugu weyn” ayuu yiri tababaraha reer Portugal.
“Taasi micnaheeda ma ahan inaanan baahin u qabin inaan badino kulankaan, lakiin waxaan aaminsanahay inay jiraan koobabka kale oo ka muhimsan, islamarkaana natiijadan kulankaan ay saameyn ku yeelan doonto xilli ciyaareedkeena oo dhan.”
Tababaraha kooxda Merengues ayaa xaqiijiyay in Pepe uu ka maqnaan doono kulanka berri, ka dib markii dhaawac uu ka soo gaaray madaxa kulankii Valencia ee axadii.
“Ma dooneyno inaan riski gelino caafimaadka Pepe kulanka hal kulan; kaliya waa ciyaar kubadeed halisna uma gelin karo caafimaadkiisa. Raul Albiol ayaa ciyaari doona bedelkiisa”.
Inkastoo kooxda difaacaneysa horyaalka La Liga aysan ka muuqan xagaagan suuqa kala iibsiga, waxaase jira ciyaartoy dhowr ah oo ka tagaya, Mourinho ayaa ka hadlay Nuri Sahin oo ku biiray Arsenal, Kaka iyo Ricardo Carvalho oo lala xiriirinayo Milan iyo QPR.
“Waxaan dooneynaa Sahin inuu qeyb ka noqdo mustaqbalkeeda, lakiin haatan ma ahan. Xilli ciyaareedkan waxa uu aadi doonaa Premier League oo u soo bandhigeysa qaab ciyaareed ka duwan kan La Liga. Kalama jecli kooxdii uu xulanayo Arsenal, Liverpool ama Tottenham.
“Kaka xaaladiisa waa ka duwan tahay tan Sahin. Ma xaqiijin karo waxa ka dhaxeeya Carvalho iyo QPR, waxaanse ogahay inay la soo wareegeen Michael Dawson.”
Mourinho ayaa ka warqaba in Barcelona ay ka duwan tahay sidii hore mar hadii uu macalin u noqdo Tito Vilanova, lakiin waxa uu ku kalsoon yahay in kooxdiisa ay soo celin doonto guushii 2-1 ee Camp Nou ay ku gaareen bishii April ee sannadkii hore.
”Waxaan uga badinay Camp Nou xilli ciyaareedkii hore, sidaasi darteed mar kale waan sameyn karnaa. Waxaa soo maray fasax fiican, waxaana ay heysteen waqti badan oo ay isku diyaariyaan.
“Waxa ay mar walba keenaan ciyaartoy tayo leh, lakiin intii macalin u noqday Vilanova waa ay ka duwan yihiin sidii hore feker ahaanteyda” ayuu hadalkiisa ku koobay.