
Macalinka reer Portugal ayaa amaanay sida ay horumarka u sameysay kooxda heysata Bundesliga labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay, waxaana uu shegay in Los Blancos ay tahay inay ka walwalsho awooda kooxda ka soo horjeeda.
“Ma hubo hadii Manchester City ay tahay kooxda ugu weyn ee aan wajaheyno. Borussia Dortmund labo jeer ayay noqdeen horyaalka Jarmalka.” ayuu ka digay 49 jirkaan isagoo la hadlayay jariirada AS.
“Si wacan ayay u qaabeysan yihiin, qibrad sarrena waa ay leeyihiin, iyadoo ay ku jiraan xiddigo badan oo xulka Jarmalka ah, iyo labada ciyaaryahan ee ugu sareysa Poland. Garoonkooda iyo taageerayaashooda xitaa waa kuwa cajiib ah.”
Mourinho ayaa markaasi ka dib weeraray kooxda heysata horyaalka Premier League ee Manchester City isagoo sheegtay in lacagta adduunka oo dhan aysan u gadeynin inay guulo ka gaaraan Europe.
“Maalgashiyaasha Abu Dhabi lacag badan ayay kooxda gashteen, sababtoo ah waxay doonayaan in koobka yurub uusan gacmahooda ka bixin.” ayuu hadalkiisa raaciyay tababarihii hore ee Chelsea.
“Si kastaba, kooxaha taariikhda leh sida Real Madrid, Barcelona iyo Bayern Munich lama iibsan karo. Ciyaartoyda ugu fiican waxa ay mar walba aadayaan kooxahan.”