
Waxaa bilihii u danbeeyay la isla dhexmarayay in tababaraha reer Portugal uu ku laabanayo England, lakiin waxa uu shalay ku kordhiyay qandaraaskiisii hore ee dhici lahaa 2014 labo sanno kale oo dheeri ah.
“Waxaan dareemayaa farxad, hadii aanan faraxsaneyn ma aanan saxiixeen heshiiskaan” ayuu Mourinho u sheegay Real Madrid TV.
“Waxaan jeclahay inaan ku fekero inaysan farxada kaligeey ku koobneyn oo sidoo kale Real Madrid ay faraxsan tahay iyo madaxweynaha Florentino Perez iyo agaasimayaasha, kuwasoo i aaminay, islamarkaana qaba inaan ahay ninka ku haboon ee howshaan sii wadi kara ilaa 2016″
“Waxaan la hadlayay ciyaartoyda bilihii u danbeeyay, waxaana qiimeynayay xaalada, wixii aan ka heley sidoo kale waxa ay aheyd inay ku faraxsan yihiin go’aankan”.
“Xaaskeyga iyo caruurteyda oo qeyb libaax leh ka qaata go’aanada shaqadeyda ayaa iyagana waxa ay raaxo ku dareemayaa go’aankaan aan gaaray”.